Halka sabab ee Macallim Maxamuud u diiday inuu ka baxo magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Macallim Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay galab gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kadib markii looga soo adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb.

Diyaarad khaas ah ayaa Macallim Maxamuud ka qaaday Dhuusamareeb, waxayna ka dejisay garoonka Gaalkacyo dhinaca Puntland iyadoo oo uu ka sii aadi doono magaalada Garowe ee Puntland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Macallim Maxamuud uu ku baxay heshiis ay gaareen odayaasha beeshiisa iyo Qoor Qoor waxa uuna ku sii wajahan yahay Sacuudiga.

Macallim Maxamuud ayaa damacsanaa inuu ka baxo Muqdisho balse cabsi laga qabo in la xiro ayaa lagu heshiiyay inuu ka baxo magaalada Garowe ee Puntland, waxayna arrintaan ku timid dalab ugaaska beesha Cayr uu u gudbiyay Madaxweyne Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa damaanad qaaday ammaanka Macallim Maxamuud ilaa uu ka baxo Soomaaliya, waxaana hada la socda General Mascuud iyo koox ciidamo ah kuwaas oo geyn doona Garowe waxana kadib u safri doonaa Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay isku dayday in ay Muqdisho keento Macalim Maxamuud si ay u xirto balse ma dhicin waxaana guuleestay dadaal uu sameeyay madaxweyne Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa doonayaa in si toos ah loo soo geba-gebeeyo xiisadda Galmudug, islamarkaana uu gudo galo sidii uu maamulkiisa u shaqo billaabi lahaa, taasi oo keentay inuu wax walba u fududeeyo madaxda Ahlu-Sunna ee laga adkaaday.