Halkee ayey ku dambeeyen maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa GALMUDUG?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa markii u horeysay ka hadlay maleeshiyaad beeleedyadii ku sugnaa deegaanada Galmudug, xili uu furayey kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay inay meesha ka baxeen maleeshiyadkaasi, kadib dadaalo dheer oo ay xukuumadiisu ka gashay dib u dhiska maamulka Galmudug.

Wuxuuna sheegay inay dhamaan xareeyeen maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa degaannada Galmudug si ay uga mid noqdaan Ciidamada daraawiishta ee Galmudug, isla markaana ay dhinac uga soo wada-jeestaan howl-galada ka dhanka ah argagixisad.

Qoor-Qoor ayaa carabka ku adkeeyay in mudada yar ee uu xilka hayo uu wax ka badal weyn ku sameeyay dhanka amniga, uuna dhisay ciidamo farabadan kuwo kalena uu haatan tababar u socdo, kuwaas oo qeyb ka noqon doona dagaalka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxa uu wacad ku maray inay sii socon doonaan tobabarada iyo dhismaha ciidamada Galmudug, ilaa inta laga helayo ciidamo awood leh oo sugi kara amniga deegaanadooda.

Galmudug ayaa kamid ah maamulada dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, maadama ay dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi ay ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin ka tirsan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.