Banaanbax Galmudug ka dhacay iyo dad la xir-xiray

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxeysa banaanbax maanta ka dhacay degmad Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay dhigayeen ganacstada degmadaasi.

Banaanbaxaasi ayaa ka dhashay go’aan kasoo baxay maamulka Galmudug, oo dhigayay in ganacsatadu u guuran Suuq cusub oo uu maamulkaasi u diyaariyay iibka xoolaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ganacsato kamid ah kuwii maanta dhigayay banaanbaxa, kuwasi oo kasoo horjeeday go’aanka uu maamulka Galmudug ugu wareejinayo suuqaasi cusub.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay sababo amni uga soo horjeedan inay u wareegaan suuqa cusub, midaasi oo meesha ka saareysa inay si xoriyad leh u ganacsadaan.

Sidoo kale waxa ay sheegen in soddomeeyo kamid ah ganacsatadii dhigayay banaanbaxa ay ciidamada amaanku u taxaabeen xabsiga dhexe ee degmada Guriceel.

Maamulka Galmudug, gaar ahaan wasaarada xanaanada xoolaha ayaa hore u go’aamisay in ganacsatadu ay ka shaqo bilaaban ama u wareegaan suuq cusub oo ay dhistay Hay’adda NRC, taasi oo dhaqan gelidiisa ay ka hor-yimaadeen ganacsatadu.