Digniin ku socota shacabka Muqdisho oo la soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish ayaa digniin cusub kasoo saaray cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in cudurkaasi uu markale kusoo labo kacleeyay gudaha dalka oo uu weli ka jiro, gaar ahaan caasimada, isla markaana ay dib u bilaabi doonaan qorshaha wacyi-gelinta iyo ka hortaga Covid-19.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan ay muhiim tahay in bulshadu ay feejignaan dheeriya muujiso, isagoona balan qaaday in maamulka gobolku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan ka hortaga cudurkaasi.

“Dadka aan u digeyno waa anaga eheladeena oo mas’uuliyiintooda aan nahay, weli khatartii wey jirtaa ee aan ka feejignaano” ayuu yiri guddoomiye Filish.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dhaq-dhaqaaqyada aan yareyno, wixii daruuri ah mooye, waana in la xadido qaabka ay Soomaalidu isku dhex-galeyso, iyada oo la raacayo tallooyinkii hore ee wacyi-gelinta”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolku uu dib u bilaabi doono ololihii ka hortaga cudurka Covid-19, maadama ay weli meesha ka bixin khatartiisu.

Wuxuuna hadalka guddoomiyuhu kusoo aadaya, xili muddooyinkii dambe uu hoos u dhacay kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, inkasta oo uusan si guud uga wada dhamaan dalka.