Halkee ayey ku danbeeyeen ciidanka daraawiishta ee la-dagaalanka argagixisada?

Dowladda federaalka Somalia ayaa sanadkaan bilowgiisa ciidamada booliska kusoo biirisay kuwa Daraawiishta, oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, halka qaar kale ay tababarkooda ku qaateen xerada Jen. Kaahiye, waxaana ciidankaan qorshuhu ahaa in la gaarsiiyo ilaa 2,000.

Tababarkii ugu horeeyay ee ciidamada Daraawiishta lagu soo biiray booliska ayaa waxaa ka qalin jabiyay 300 askari, kuwaasi oo loo tababaray la-dagaalanka argagixisada, sirdoonka iyo in ay ka hortagaan qaraxyada iyo baarista, waxaana hakad uu ku yimid in cadadkii ee loo qorsheeyay la gaarsiiyo, ilaa haddana wax ciidankaasi kuwo la mid ah oo tabular loo sameeyay aysan muuqan.

Tababarka ciidamada Daraawiishta booliska Somaliaayaa waxaa iska kaashanayay booliska UNPOL ee Qaramada Midoobay, booliska Midowga Yurub EUCAP, UNSOM iyo xafiiska tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM).

Ciidamada Daraawiishta ayaa waxaa horay ugu jireen deegaanada maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, balse kuwa DFS ay ka duwan yihiin.