GABAR Soomaali ah oo ‘xadgudub’ loogu gaystay Starbucks ku yaal Minnesota

Minnesota (Caasimadda Online) – Gabar Soomaali ah oo deggan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la kulantay xad gudub ka dhan ah diinteeda kadib markii si dadban loola xiriiriyay ururka ISIS, iyadoo loo xaglinaayo diinteeda.

Gabadhaan oo wax ka iibsaneysay maqaayadda Starbucks eek u dhex talla dukaanka weyn ee Target ee magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka, ayaa waxaa qof maqaayadda ka shaqeynayey uu koobkii shaaha ugu qoray ISIS.

Magaca gabadhaan kaliya waxaa lagu soo kooba Caa’isha, waxeyna garab ka heleysaa hay’adda CAIR ee u doodad xuquuqda Muslimiinta Mareykanka.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac si wadajir ah u qabteen ayey si kulul ugu dhaleeceeyeen maamulka Target oo ay sheegeen iney dafireen xadgudubka ay u geysteen gabadhaan kasoo jeeda Soomaaliya.

Hay’adda CAIR iyo gabadha xad-gudubka lagu sameeyay labaduba waxey ku baaqeen in shaqaalaha xad gudubka sameeyay laga ceyriyo maqaaxida.

Muslimiinta ku nool dalalka reer Galbeedka waxey mararka qaar la kulmaan tacdiyo dadban oo loogu gafayo, taasna waxey dhalisaa cabsi galin shaqsiyadeed.