Amiir Maxamed bin Nayef oo wajahaya kiis halis ah oo uu diyaariyey Bin Salman

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wada in uu salka u dhigo eedo la xiriira musuq-maasuq iyo daacad darro oo ka dhan ah Maxamed bin Nayef, taasi oo uu taajkiisa uga ilaashanayo dhaxal sugihii hore, sida ay baahisay Washington Post.

Wargeyska ayaa weriyay “in guddiga la dagaalanka musuq maasuqa” uu salka u dhigi doono eedaha ka dhanka ah Bin Nayef  oo la sheegay in uu malaayiin dollar u xawilay shirkado iyo akoono gaar ah, markii uu masuulka ka ahaa wasaradda arrimaha gudaha.

Ilo-wareed ayaa wargeyska u sheegay in dhaxal sugihii hore la weydiin doono in uu dib u bixiyo $15 billion oo ay sheegeen in uu xaday.

La-taliyeyaasha dhaxal sugaha ayaa kasoo horjeestay eedaha, iyagoo sheegaya in shaqadiisii wasaaradda loogu ogolaaday wareegto boqortooyo oo soo baxday sanadkii 2007-dii.

Qoraallo uu wargeyska siiyay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Bin Nayef ayaa taageeraya sheegashada ah in dhaq-dhaqaaqiisii maaliyadeed la ogolaaday, uuna ogolaaday boqorkii hore.

Wareegtada oo ay aragtay The Post waxaa ay sal u tahay sanduuq uu maamulayay Bin Nayef waxayna ogolaneysay in la abuuro hal abuur ku haboon ganacsiga gaarka loo leeyahay si muuq kale loogu yeelo hindisaha argagixiso la dirirka.

Warbixin qarash bixin ah oo soo baxday sanadkii 2013-kii ayaa muujisay codsiyo ah in la kharash gareeyo $1.3 billion oo uu ogolaaday Khaled al-Tuwaijri oo ah gudoomiyaha maxkamadda boqortooyadda.

Saraakiil horay uga tirsanaa CIA-da ayaa sheegay in ay ka warqabeen sanduuqa sirta ah ee argagixiso la dirika ee uu maamulayay Maxamed bin Nayef akoonadda uu u isticmalay si uu u weeciyo mashruucyo ay wadajir u fuliyeen Mareykanka iyo Sacuudiga.

Qoraal kale oo ay aragtay The Post, ayuu bin Nayef ugu sheegay la-taliyeyaashiisa in abuurista Shirkado aan jirin, uuga dayanay sida ay sameeyaan hey’adaha caalamiga ah ee amniga.”

Sarkaal hore oo Mareykanka u joogay Riyadh ayaa sheegay “in qof kasta oo Dowladda Mareykanka ka tirsanaa uu fahamsanaa in Bin Nayef uu lahaa awoodda ugu weyn ee kharash-gareynta boqortooyadda.”