Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan warbixin kooban uga hadlaynaa wax qabadka Taliyihii ugu wanaagsanaa tan iyo intii ay bur burtay Dowladii dhexe ee soo mara Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare maxamed aadan koofi, oo xilkaas loo magacaabay July 27, 2016.
Tan iyo markii loo magacaabay Xilkaas waxa uu furay xarumo kala duwan oo aan horay loo furin, oo ku dhaw 10- kuwaas oo ku yaala inta badan gobolada Soomaaliya.
Dadka dagan Mudug, Galgaduud, kismaayo, Bay, Bakool, Puntland, iyo meelo kale oo ka dheer caasimadda muqdisho ayaa dhibaato ku qabay helitaanka Pasaporka Somaliga ah, waxa u sahlay markii uu Xilka la wareegay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Koofi in dadkaas ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna xaq u leyihiin in ay helaan Pasaporka Somaliga, kuwaas oo tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii aan helin xaqii muwaadinimo, ayaga oo baabuur uga soo safri jiray Gobolada dalka, si ay u helaan Pasapor ay caafimaad ku aadaan, kuwaas oo mararka qaar shil gaari dhibaato ka soo gaarto la kulmi jiray, si ay u helaan pasaporka ama muqdisho u soo gaaraan.
Dhinaca kale Dadka aadka u la socda xaaladda Laanta Socdaalka ayaa aaminsan inuu Koofi wax badan ka badalay hanaankii hore ee Laanta Socdaalka uuna ku kordhiyay aragtiyo cusub iyo hufnaan shaqo, sidoo kale wuxuu ku guuleystay hirgalinta xarumaha laanta ee gobaladda dalka iyo iney shaqaaluhu helaan tababaro dheeri ah si shaqadda loo tayeeyo.
Korneel Maxamed Aadan Koofi oo bare ka noqday jaamacado iyo dugsiyo sare oo magaalada Muqdisho ku yaal wuxuu ka mid yahay dhalinyaro kooban oo aqoonyahanno ah, Wuxuu shahaadada labaad ee jaamacada ka qaatay Jaamacada Caalamiga ah ee Kampala oo Ugaandha ku taal, isagoo ku takhasusay cilmiga Maamulka iyo Maareynta.
Korneel Koofi oo ah nin dhalinyaro ah oo dhiiran, firfircoon, karti iyo daacadnimo badan, ayaa waxa uu wax badan ka badalay 4tii sano ee la soo dhaafay laanta Socdaalka.
Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare maxamed aadan koofi, wuxuu shantii sanno ee lasoo dhaafay ka qabtay howlaha socdaalka wax badan oo aan laga qaban sida aan soo sheegay wixii ka danbeeyay Dowladii dhexe ee Dalka markii ay burburtay.
Sidoo kale dadkii dhuibaatada ku qabay helista pasaporka Somaliga ah, ayaa waxay dhibaatadaas ka baxeen July 27, 2016.markii la magacaabay Taliye Koofi. Taasi dhiiri-gelin u Noqotay dadkii dhibaatada Musuqa maasuqa la daalaa dhacayay, waxayna aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed ay ku tilmaameen arintaasi horumar.
Dhinaca kale dadka jooga muqdisho ayaa dhibaato badan oo maamul Xumo ah ku qabay Helista Pasaporka, taasi oo meesha ka baxday Markii xilka loo dhiibay Taliye Maxamed aadan Koofi.
“Waxaan dhibaato ku qabay helista Pasaporka waxaana mar kaliya goobta soo gaaray Maxamed aadan Koofi, aqoon uma lahayn, waa la ii sheegay waan ku booday sida wiil aan dhalay oo kale, waa uu ii garaabay ilaa Xafiska Pasaporka uu I geeyay, waxaana dhacay arin aan u riyaaqay”ayay tiri Hoyo Xaliimo oo sheegtay in dhibaato ay ka qabtay Helitaanka Pasaporkii ay xaqa u lahayd.
“Xafiiska ayuu I geeyay waxa uuna canaan kala dul dhacay Wiil dhalinyaro ah oo ahaa qofkii ii xareeyay Pasaporka, waxa uuna kula dardaarmay in mudo 2 cisho ah aan helo Pasaporkii, waxaan dhihi karaa 10 Maxamed aadan koofi oo kale ah oo dhalinyaro ah hadaan helno Musuqa iyo dhibaatada way dhamaan lahayd” ayay mar kale tiri Hoyo Xaliimo oo aad ugu Riyaaqday shaqada laanta Socdaalka Soomaliya.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyaddaha, ayaa waxaa ka mid ah shaqooyinka uu qabtay, in aysan ka jirin markii uu xilka qabtay ka hor tan iyo wixii ka danbeeyay 1991-dii in dhaqaale laga aruuriyo kacsamada iyo xuduudaha wadooyinka soo galo si canshuurta looga qaado.
Waxaa ka mid ah goobaha uu furay Taliye koofi, Bar-xuduudeedkaan oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee degmada Galdogob ayaa waxaa hadda ka jira isku socod dadka iyo Gaadiidka.
Sidoo kale waxa uu Booqashooyin kadis ah ku tagaa Taliye Koofi, goobaha laga baxsho Pasaporada si uu ula socdo dhaq dhaqaaqyada, iyo dhibaatooyinka shacabka ay kala kulmaan halkaas, taasi oo dhiiri galin u ah howlaha shaqo, waxayna dadka sheegaan in taasi uu ku Musteestay Koofi kal soonida ay shacabka iyo Madaxda Dalka u hayaan.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com
Tell+254711830393