Maxaa ka jira in madaxweyne Farmaajo uu ballamo uga baxay madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baxay heshiisyo uu la galay madaxda maamul goboleedyada, sida uu ka dhawaajiyay Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa jiray kulan dhawaan Internet-ka ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana jirta eed ah in madaxweynaya uusan fulin heshiisyo uu ballan qaaday.

Iftiin Xasan Baasto oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku matala dadka deegaanka Jubbaland ayaa u sheegay warbaahinta in madaxweynaha uu fulin waayay ballan qaadyo badan taasna ay sababtay inuu baaqdo Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu balansanaa inuu Muqdisho ka dhaco 5-tii bishaan.

Madax goboleedyada ayaa kadib shirkaas baaqday waxay go’aan ku gaareen inay iskood u kulmaan waxayna ku ballansan yihiin magaalada Dhuusomareeb, oo ay berri isugu tegayaan.

Iftiin Xasan Baasto oo lagu tiriyo tiro masuuliyiin ah oo aan taageersaneyn xukuumada hadda jirta ayaa qaba in Farmaajo uu wado kala fogeyn dhanka maamullada ah halkii uu isku soo dhaweyn lahaa.

Xildhibaanka wuxuu nasiib darro ku tilmaamah in Madaxda Dowladda dhexe aysan ka qeyb gali doonin shirka berito uga furmi doona Madaxda Maamul Goboleedyada.