Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Dhuusamareeb iyo BANDOW lasoo rogay

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa bandow lagu soo rogay sida ay ka dhawaajiyeen saraakiisha amniga maamul goboleedka Galmudug, waxeyna u diyaar garoobayaan shirka berito halkaas uga furmaya Madaxda maamullada dalka.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, Bandowga waa mid kaliya lagu sugayo amniga magaalada caasimadda ah maadaama lagu martigalinayo shir heer sare ah kaas oo kulminaya madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka.

Maanta ayaa la filayaa iney madaxda maamul goboleedyada soo gaaraan Caasimadda, waxaana jira saameyn uu bandowga ku yeelan doono dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka kuwaas oo aan awoodi doonin iney sameeyaan ganacsi iyo isku socodka gaadiidka.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo daadiyay magaalada Dhuusamareeb waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo amaanka maagalada.

Madaxweynayaasha maamullada ee berito iney ku shiraan Dhuusamareeb la filayo waxey ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay mid yahiin qodobada khilaafka ka taagan ee doorashadda dalka iyo dastuurka dhameystirkiisa.