Booliiska dalka TURKIGA oo xabsiga dhigay dad badan oo Soomaali ay ku jiraan

Ankara (Casimadda Online) – Booliska wadanka Turkiga ayaa xir-xiray dad badan oo ay Soomaali ku jiraan kuwaas oo isku dayay iney si sharci darro ah uga baxaan gudaha wadanka.

Taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa ka dhawaajiyay iney xabsiga dhigeen 276 qofood oo ay Soomaali ku jirto.

Sida wararka lagu helayo markabka ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa mid xamuul ah ayaa kusoo xirtay xeebta Aegean, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay sideed qofood oo ahaa dadka wax tahriibiya.

Wakaaladda wararka tzurkiga ee Anadolu ayaa baahisay in hawlgalkaan lagu soo qabtay muwaadiniintaan uu socday maalmahii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay iney kasoo kala jeedaan wadamada: Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Inkastoo Turkiga uu soo dhaweyn qurux badan u sameeyay soogalootiga wadankiisa kusoo qulqulay oo u badnaa Siiriyaan sanadahii ugu dambeeyay ayaa hadana wuxuu xoogga saarayaa inaan si sharci darro ah looga tallaabin.

Turkiga waa marinka ugu weyn oo ay hadda dadka wadamadooda ka cararaya isticmaalaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub, maadaama Turkiga ay xuduud la leeyahiin wadanka Greece.