Soomaaliya si lama filaan ah kaalinta 1-aad uga gashay qiimeyn caalami ah (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego Internet-ka maanta waa baahida ugu badan ee lagu xakameeyo wax waliba oo la doonayo in horay loosii qaado, sidaas awgeed dalalka caalamka xiligaan waa u fure in ay helaan adeegsigiisa.

Cable (Xarigga) waa waxa sahlaya in dunida la isugu kala gudbiyo Internet-ka oo ah fududeeyaha aaladaha maanta la doonayo in lagu soo bandhigo xog ama lagu gudbiyo waxyaabo kala duwan.

Ma taqaan qiimaha dalalka ay ku kala helaan adeegga internetka?

Kahor inta aan u kala qaadin Carab iyo Cajab, sanadkaan 2020 ee aan kasii siqeyno bartamihiisa waxaa la sameeyay xog uruurin la xiriirta halka Giga Byte qiimaha maanta ay ku kala helaan dalalka caalamka.

Marka hore aan ku hormaro Qaaradda Aasiya, Dalka India ayaa kaalinta sare ee dalalka ugu raqiisan Internet-ka guud ahaan Caalamka soo gashay, waxa ay dadka dalkaas ku helaan lacag aad u jaban marka la eego wadamada kale.

India qiimaha lacagta Internet-ka celcelis ahaan Halkii Gigabyte waa $0.09 waana lacag aad u jaban oo qof waliba u saaragelineysa in uu helo Internet Xawaare sare leh oo ay ugu baahi beeli karaan danahooda gaarka ah.

Israel (Yuhuudda) ayaa Booska labaad soo gashay, adeegga internet-ka Halkii GB (Gigabyte) waxaa uga baxdo $0.11, halka dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha Aasiya lacagta ku baxdo GB-gii ay dhan tahay $0.21.

Shabakadda Arabi21.com ee Masar ka diiwaangashan ayaa dabagal dheeraad ah ku sameysay qiimaha Internet-ka dalalka kala duwan ee Caalamka, waxa ay dul istaagtay wadamada lacagta sare ku hela iyo kuwo jaban.

Soomaaliya halkee ayay kasoo gashay qiimeyntaan?

Soomaaliya waxa ay kamid noqotay dalalka qiimaha jaban ku hela Internet-ka, waxa ay ka sare martay Dowlado carbeed oo ka dhaqaale iyo Xasilooni wanaagsan dalka xiligaan.

Celceliska qiimaha halka Gigabyte ee Soomaaliya $0.5 (Nus Doollar), halka Yemen oo xuduud bad ah la wadaagto, kuna dhegan Boqortooyada Sacuudiga Internter-ka adeegsidiiga ay ku bixiyaan lacag intaas ka badan.

Soomaaliya, Suudaan, Aljeeriya, Kuwayt iyo Morooko waa dalalka Qiimaha jaban ku hela Internet-ka marka la eego Dowladaha Carabta, halka Yemen iyo Suuriya ay ku bixiyaan dhaqaale dhan $5 sida ku xusan daraasadda la sameeyay.