Wararkii ugu dambeeyey qarixii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia.

Qaraxa oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasi Salaad Xasan ayaa waxaa lala helay gaari ay la socdeen ciidan Boolis ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay ugu yaraan illaa labo askari, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 qof oo kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray baabuurka la qarxiyey oo ay ku buufsan tahay astaanta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraxaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj.