Gaadiid nooca aan xabada karin oo maanta laga dajiyey Dhuusamareeb iyo ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad sida gaadiidka nooca aan xabada karin ay maanta ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Baabuurta Bullet Proof-ka ah ee laga dajiyey Dhuusamareeb oo gaaraya illaa labo ayaa waxaa la sheegay in loogu tala-galay in lagu qaado, laguna soo dhaweeyo madaxeynayaasha maamul goboleedyada tegaya halkaas ee ka qeyb-galaan shirka ka dhacaya magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa diyaar garow xoogan laga dareemayaa caasimada Galmudug oo beri uu ka furmayo shir ay ku leeyihiin dhammaan madaxda maamullada dalka.

Sidoo kale waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimk ah ee Dhuusamareeb.

Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda qorshe looga saarayo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kadib markii ay dalbadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu wei khilaaf  uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Dhuusamareeb oo 9-ka bishaan oo beri ku beegsan furmayaa ayaa waxaa laga filayaa in laga saaro war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka.