Deni iyo Axmed Madoobe oo dalbaday in Haramcad laga saaro Dhuusamareeb, ka hor shirka magaaladaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in Dhuusamareeb laga raro ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay horey magaaladaasi u geysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu soo warramayaa inay shuruud ka dhigeen in ciidamada laga qaado Dhuusarameeb ka hor inta aan la gaarin shirka beri oo Khamiis ah ka furmaya halkaasi, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda maamullada dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo uu ku doonayo inuu ku fuliyo shuruudaasi, maadaama uu garwadeen ka yahay shirkaas oo uu isagu marti-geliyey.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadaasi loo soo qaadi doono Muqdisho, halka kuwa kalena ay ku waramayaa in la geynayo duleedka magaaladaasi.

Si kastaba ha’ahaatee arrintaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu khilaaf aad u culus uu dowladda dhexe kala dhexeeyo Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday shirkii dhowaan iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Shirka Dhuusamareeb ee furmaya 9-ka bishan ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo khilaafkaas, xaaladda dalka iyo doorashooyinka la’isku hayo ee 2020/2021.