Muqdisho oo marti gelineysa shir beeleedkii ugu weynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Mudulood ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho sida uu dhawaan shaaciyay Imaamka Mudulood.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirkan qaban qaabadiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho, islamarkaana muddo bil ah uu ka dhici doono Mowlaca Macalim Nuur ee Xaafadda Siigaale.

Aqoonyahaano u dhashay Mudulood oo laga keenay dalka dibidiisa ayaa la sheegay in hadda ay ku howlan yihiin qorshayaal shirkaan la xariira islamarkaana ay qeyb ka tahay ajandaha iyo waxyaabaha miiska la soo saari doono mudada uu shirka socda.

In kabadan 120 aqoonyahaan oo dibadda laga keenay ayaa la sheegay in shirkaan laf dhabar u yihiin islamarkaana ay dejinayaan qorshaha shirka iyo waxyaabaha ay tahay in aad looga doodo.

Shirkaan ayaa socda kii Muqdisho ka dhacay bilawgii sanadkaan waxaana la sheegaya in uu yahay kii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa. Warar ayaa sheegaya in ay ka soo bixi doonaan go’aamo adag oo ku saabsan Xaaladda Somalia.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo uu fashilmay qorshe iyo dadaal xooggan ay Villa Somalia ku dooneysay in shirka lagu joojiyo.