Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka diyaarinayaan Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wararku waxa ay sheegayaan in Mooshinka socda xoogiisa lagu diyaarinaayo magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano laga mamnuucay Baydhabo.
Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhawaan laga mamnuucay inay u socdaalan magaalada Baydhabo, waxaana la xaqiijiyay inay yihiin kuwa ugu miisaanka culus.
Ilo ku dhow dhow Mooshin wadayaasha ayaa sheegaya in Xildhibaanada is diiwaan galiyay ay gaarayaan ilaa 38 Xildhibaan, halka ay jiraan Xildhibaano kale oo aan weli gudbin liiskooda.
Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa walaac gaara ka muujinaaya inuu xal u waayo Mooshinka ku foorara, iyadoo shakiga ugu weyn uu yahay mid muujinaaya in dowlada Somalia ay qeyb ka tahay mooshinka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin sida Hogaamiyaha Maamulka uu ka yeeli doono Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

