Keating oo weerar ku qaaday madaxda DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, ayaa si adag uga hadlay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex oogan dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Micheal Keating, ayaa sheegay inaanu suuragal aheyn in Somalia dib loogu celiyo fowdo iyadoo la adeegsanaayo dano gaara oo ka dhan ah Qaranimada Somalia.

Micheal Keating, ayaa cadeeyay in Beesha caalamka aysan raali ka aheyn in Somalia dib loogu celiyo burbur iyo kala irdhoobid loo horseedo bulshada Soomaaliyeed.

”Waxaan ku baaqeynaa in lasoo afjaro xiisada u dhexeysa dowlada iyo maamulada, si loo samata bixiyo dalka oo kasoo kabanaayo burbur”

Micheal Keating, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay ka fiirsato loolanka ay ku heyso dowlada Somalia, halka maamul Goboleedyada uu ku eedeeyay inay burbur u horseedi karaan dalka.

Waxa uu Micheal Keating, cadeeyay inaan guul lagu gaari karin in laga soo horjeesto danaha Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro khilaafyada jira.

”Guusha Somalia waxa ay ku jirtaa in lasoo afjaro khilaafka waxaan walaac ka muujineynaa in xiisada jirta ay carqalad u abuurto xasiloonida Somalia”

Micheal Keating, ayaa madaxda dowlada Somalia ugu baaqay inay qaboojiyaan xiisada maamul Goboleedyada ka jira dalka, iyadoo la eegaayo danaha umadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Micheal Keating, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula taliyay inaanu qeyb ka noqon khilaafyada jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com