24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Halkee ayaa lala damacsanaa qaraxyadii la qabtay xalay? (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay ka hor tagay arin qalqal iyo halis ku aheyd amaanka caasimada Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada ayaa shalay qabtay gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo aan wali la xerxerin iyo afar ruux oo la socotay kuwaasi oo la sheegay iney dad doonayay qaraxa kadib iney rasaas la dhacaan dadka ku sugan goobta ay weeraraan.

Haddii aan laga hortagi laheyn qaraxyadaasi waxaa afhayeenka wasaarada amniga C/kaamil Macalin Shukri uu sheegay iney halis gali laheyd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wuxuu sheegay iney wali ku raadjoogaan dad kale oo lagu eedeeyay iney wax ka ogaayeen abaabulka waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo afhayeenku uu sheegay in lala damacsanaa xarumaha dowlada ama goobaha dadweynaha ay ku kulmaan.

Hoos ka daawo halista laga hortagay.

hub-2 hub-3 hub-4 Howlgal8 Howlgal9 Howlgal12

- Advertisement -

Read more

Local News