Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku imaaday shirka wada-xaajoodka ahaa ee la filaayay in DFS iyo maamulka Somaliland Talaadada uga furmo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Dib u dhaca ku yimid mudada lagu balansanaa wada hadalka ayaa waxaa u sabab ah DFS oo la sheegay inay codsatay in maalmo kooban la dib dhigo shirka.
Dalabka DFS ayaa la sheegayaa in Madaxda maamulka Somaliland uu gaaray wakhti danbe xili xubnaha uga qeybgali lahaa wada-xaajoodka ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul.
Dowlada Somalia ayaa la sheegayaa in shirkaasi ay mudeysay furitaankiisa 6 June, waxaana suuragal ah in wada-hadalka uu qaato keliya hal maalin sida aan xogta ku helnay.
Dowlada Turkiga ayaa ugu tallo gashay shirkaani in diirada lagu saaro keliya barnaamijka midnimada Somalia.
SABABAHA UU SHIRKA DIB U DHACA UGU YIMID
1- DFS oo ku mashquulsan Shirka wadatashiga Qaran ee xuquuqda loogu raadinaayo Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku mideysan yihiin maamulada dalka ka jira.
2- Dajinta qorshaha loo mari lahaa doorashada dalka ka hor inta aan wakhtigeedu gaarin.
3- Madaxweynaha Turkiga Erdogaan oo maalinta Jimcaha ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxa ayna Dowladu ku mashquulsan tahay soo dhaweynta Erdogaan.
4-Wakiilada Beesha Caalamka ugu qeybgali laheyd shirka Istanbuul oo ku mashquulsan shirka Muqdisho iminka ka socda.
Maamulka Somaliland ayaa waxaa shirkaasi u matali doona Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ilaa hadda la qorsheeyay inay dhinaca Somaliland uga qayb geli doonaan wada hadalada.
Dhinaca kale, waxaan la ogeyn in wada hadalada lagu soo kordhin doono qodobo cusub iyo in lagu sii wadi doono qaabkii hore ee dul ka xaadiska ahaa ee la iska ilaalin jiray in la soo hadal qaado qodobada muhiimka ah ee ay labada dhinac kala taaganyihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

