28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xasan Sheikh: Haddii aan heshiin karin waa in nala heshiisiiyaa..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay is faquuqa la kala dhex dhigay Soomaalida waxa uuna sheegay in Somalia aysan mar waliba ka maarmi doonin Dowladaha saaxiibada la’ ah.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Soomaalida ay u baahan tahay in lawada heshiisiiyo, waxa uuna carab dhabay inay adag tahay in ay wada heshiiyaan misna ay xaliyaan khilaafyadooda.

Madaxweyne Xassan waxa uu cadeeyay inaysan sahlaneyn inay heshiiyaan madaxda dalka waxa uuna caalamka ugu baaqay in dhex dhexaad ay u noqdaan Soomaalida.

Siyaasadda ayuu sheegay in Soomaalida ay aad ugu weyn tahay haddana uusan jirin heshiis cad oo ay ku heshiin karaan.

Dowladaha deriska iyo kuwa reer galbeedka ayuu ka dalbaday inay ka saacidaan Siyaasada iyo isku soo dhawaanshiyaha.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya xili isku awood ay yihiin DFS iyo maamulada dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News