Halkee marayaa dhismaha maamulka cusub ee Jubaland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Caafimaadka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur Cali ayaa ka warbixiyey shirar maalmihii u dambeeyay u socday Golaha isku magacaabay Aayo ka tashiga iyo dib u dhiska Jubbaland.

Cali Xaaji ayaa sheegay in golaha uu xooga saarayo sidii loo heli lahaa maamul cusub oo loo wada dhan yahay, maadama uu ku doodayo in labadii sano ee sharciga aheyd u dhamaatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

“Golaha waxa ku mideysan dhamaan aqoon-yahanka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka kasoo jeeda Jubbaland, waxaana la aas-aasay 2019-kii, una taagan yahay Jubbaland la wada leeyahay,” ayuu yiri Cali Xaaji.

“Maamulka Jubbaland asalkiisaba kuma imaan rabitaanka dadka, qaabkii loogu qabtay doorashada Kismaayo waxay aheyd mid laga soo abaabulay Kenya oo dowlado shisheeye gadaal ka riixayeen, kumana shaqeeyo siyaasadda dadka deegaanka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha uusan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee hadda uu hogaamiyo Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhisi doonaan maamul loo wada dhan yahay marka ay kulamadaas soo dhamaadaan, lana dhisi doono guddi ka shaqeeya, sida uu sheegay.

“Maamul goboleed waxaa noqon kara labo gobol wixii ka badan. Gedo gacan kuma jirto oo waa cadeysteen warkooga in maamulka Axmed Madoobe u hogaansaneyn markii ay cadaalad ka waayeen, Jubbada Dhexe-na awal gacan kuma jirin, meesha kali ah ee Axmed Madoobe joogo waa Kismaayo, labo degmana ma noqon karto maamul.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in doorashada la dadajiyo si Jubbaland loogu dhiso maamul loo dhan yahay, isagoona ka dalbaday shacabka reer Jubbaland inay qeyb ka noqdaan Golaha lagu dhisayo maamulkaas.