FIQI oo shaaciyey ujeedka dhabta ah ee Qoor Qoor ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo goordhoweyd qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu si faah-faahsan ujeedka uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana ay la soo xiriireen, oo uu albaabka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in dagaal xoogan uu ku qaado.

Waxa uu sheegay in sababta uu madaxweynaha Galmudug u qaatay wadada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso.

“Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-hadal ah in uu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), madaxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhiibay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socdaan” ayuu yiri.

“Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex korayaan oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmudugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka barakicinaya.”

Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoor Qoor inuu dagaalka A-Sshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaa isku dayey inaan ku qanciyey inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro oo uu sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna uu xiligan diyaar u aheyn dagaal dhex-mara maamulka, hase yeeshe ay rabaan in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoor Qoor kula ballameen maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilka uu iska casilay kadib markii soo jeedintiisa iyo in laga baaqdo dagaal uu iska dhago tiray madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu markasta ku taagan yahay wadada wada-hadalka.