Halkee marayaan dadaallada la’isugu soo dhoweynayo Qoor Qoor iyo Saciid Deni?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeedo, iyada oo ay sidoo kale ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay billowdeen dadaallo lagu doonayo in la’isugu soo dhoweeyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmuudg, oo uu khilaaf soo kala dhex-galay, kadib khudbadii uu Siciid Deni bil ka hor ka jeediyey gudaha magaalada Garoowe.

Dadaallada ayaa socda ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xildhibaano & siyaasiyiin kasoo kala jeedo Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta kulan gaar ah ay yeelan doonaan Axmed Madoobe & Qoor Qoor, kaas oo horudhac u ah kulan ay isugu imaanayaan madaxweynayaasha maamulada Puntland & Galmudug, si loo dhameeyo khilaafkooda.

Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in wada-hadallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac ay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana rajada ay tahay in xal waara laga gaaro mad-madowgaasi siyaasadeed.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Muqdisho haatan laga dareemayo u diyaar garow ku aadan shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.