Maxaa looga hadlay kulankii musharax Jabriil iyo danjire Alberto Vecchi? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray nidaamka doorashooyinka, iyada oo labada mas’uul ka wada-hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka.

Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu uga hadlay kulankaan, wuxuuna yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi”.

Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maar-maanka u tahay qabsoomidda doorasho raali laga wada-yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wakiilka uu ka codsaday in uu si toos ah uga qeyb qaato wada-hadalada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee isku haya hogaanka dalka.

“Danjire Vecchi ayaan ka codsaday in uu si toos uu qeyb weyn ka qaato is-fahamsiinta Dowladda Federalka ah, Dowladda Gobaleedyadda iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee daneynaya hogaanka dalka,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina Musharax Jabril Ibarahim Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay Wakiilka kaalinta Dowladda Talyaaniga ay qaadaneyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya.