Shir ay ka maqan yihiin 3 maamul oo Muqdisho uga furmay guddigii Baydhaba iyo war kasoo baxay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ee heshiiska kusoo gaaray Baydhaba ayaa maanta uu shir uga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka kala socda maamul goboleedyada dowladda taabacsan ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Galmudug, Jubaland iyo Puntland.

Hase yeeshe xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Puntland ay qeyb-ka tahay. Si kastaba, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ku matalayey guddigii farsamada heshiiskii Baydhaba, ayaa beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay shirkaas

wasiirka Dhabancad ayaa sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin shir ka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadisho,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Hore ayaa waxay guddigan shir ugu yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, balse kulankan ayaa ah mid ay ku kala qeybsameen guddiga.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka, lana filayo in ayaga iyo madaxda dowladda uu shir uga furmo xarunta Xalane.