Halkee ayuu ku danbeeyay baaritaankii lagu hayay Soma Oil & Gas?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ka hadashay baaritaan muddo farabadan qaatay oo Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska ku heysay Maamulka Soma Oil & Gas.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in Baaritaankii la xiriiray Musuqa oo ay waday Boqortooyada Ingiriiska lasoo gabagabeeyay kadib markii Maamulka Shirkada lagu eedeeyay in dhaqaale xoogan ay ku laaluushtay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, gaar ahaan Wasaarada Batroolka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Somaliya, ayaa sidoo kale soo dhaweyneysa go’aankii Xafiiska Musuq Maasuqa Daran uu ku xaqiijiyay inaan la bixin lacago Musuqa ah.

Eedaynta Soma ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata dareenkooda nasiib wanaag baaristii waxay ku soo gaba gaboobday inaanu jirin wax cadeyn ah oo sheegaya in laaluush la kala qaatay.

Natiijadani ayaa la mid ah go’aankii ay soo saareen sanadkii hore 2015 guddi madaxa banaan ee u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma Oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah ama laaluush lagu kala qaatay.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa horay u beenisay wararka sheegaya in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Somaliya ay Shirkada ka qaadatay lacago Laaluush ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com