Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, xafiiska Madaxweynaha iyo xafiiska Ra’iiisul wasaaraha u gudbiyay warbixino xasaasi ah oo ku aadan sannad maaliyadeedkii dhammaaday ee 31-kii Diseembar ee sanadkii hore 2022.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in warbixinnada uu gudbiyay ay kala yihiin warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2022.
Talaabadan ayaa ah midii ugu horeysay ee uu qaado xafiisku soona soo saaro warbixinnada baarista si waqtiyeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Hantidhowraha.
“Haddaba XHGQ oo gudanaya waajibkaas dastuuriga ah waxa uu markii ugu horreysay soo saaray warbixinnadiisa baarista si waqtiyeysan, isaga oo u gudbiyay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xafiiska Madaxweynaha JFS iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS si waafaqsan sharciga” aya lagu yiri qoraalka.
Warbixinnada uu xafiisku gudbiyay ee la xiriira sanad maaliyadeedka dhammaaday 31-ka Diseembar 2022 ayaa sidoo kale ah kuwo waafaqsan shuruucda dalka iyo heerarka baarista Hantidhowrada Caalamiga (IISAIS), waxayna kala yihiin:
1-Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga (Copmliance Audit)
2-Baarista Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda (Finacial Audit)
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa warbixinnadan waxa uu kusoo bandhigaa talooyin lagu xoojinaayo isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta nidaamka maaliyadda ee dowladda, si kor loogu waxqabadka hay’adaha iyo awooddooda la xiriirta bixinta adeegga dadweynaha.
Warbixinnadan ayaa lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga isla markaana loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha muddo hal (1) bil ah kaddib sida uu qabo Qodobka 45, farqaddiisa 4 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 25/12/2019).
Halkan hoose ka aqriso:-