Hanti dhawraha qaranka wuu mudan yahay in xilka laga qaado, balse looma marin wadadii saxda aheyd!

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee uu hoggaamiyaha u yahay Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilkii ka qaaday Hanti Dhawraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Inkastoo Dr. Nuur Faarax Jimcaale lagu hayo fal aad u weyn kadib markii ay ilaaladiisa toogteen Wasiirkii Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji, isla markaasna ay macquul yihiin dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyey uuna mudan yahay in xilka laga qaado, haddana waxaa jirtay qaab ku haboon in xilka qaadistaas loo maro.

Sida ay sharci yaqaanada tilmaamayaan, Golaha wasiirada ayey aheyd inay soo gudbiyaan qodobada lagu soo eedeeyey Hanti Dhawraha qaranka, isla markaasna ay Madaxweynaha Soomaaliya usoo jeediyaan inuu xil ka qaadis ku sameeyo.

Marka ay golaha wasiirada xil ka qaadistaas codsadaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey aheyd inuu Digreeto kusoo saaro inuu Hantida Dhawraha Qaranka xilka ka qaaday  kadib markii uu tixgeliyey codsiga golaha wasiirada.

Marka uu Madaxwyenaha soo saaro digreetadaas, haddana waxaa la hor geynayaa golaha wasiirada si ay codka kalsoonida ugu qaadaan digreetada kasoo baxday Madaxweynaha, maadaama Hanti dhawraha markii hore ay codka kalsoonida siiyeen markii uu Madaxweynihii hore xilkaan u magacaabay.

Sidaas ayaana lagu sheegay inay aheyd wadada ugu saxsan in xil ka qaadistaas loogu sameeyo Hanti Dhawraha qaranka oo galay fal dambiyeed aad u weyn, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada hoos ku qoran:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET