Hanti-dhawrka guud oo gudbiyay natiijada baarista kiiska wasiirka A/Dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in uu baaristii uu ku sameeyay kiiskii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa sheegay in baarista uu bilaabay kadib warqadii 24-ka bishii hore kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ee la xiriirtay kiiska markab dhuxul siday oo lagu xanibay Saldanada Cumaan.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa gutay waajibaadkiisa kaga aadanaa baaristaas, iyadoo dhamaan macluumaadka aan uruurinay intii ay baaristu socotay aan la wadaagnay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka si loo dhameystiro baarista oo uu horay gal ugu furay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Hanti-dhawrka Guud in macluumaadka la xiriira arrinkaas uu la wadaagay hay’aaddaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ay khuseyso.

Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa 27-ka bishii hore la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee shaqo joojinta lagu sameeyay, ayada oo su’aalo ka weydiiyeen kiiska la xiriira markabka siday dhuxusha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta

Si kastaba, Baarista uu sameeyay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa timid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah.