Xog: Mahad Salaad oo amar dul-dhigay ciidan iyo gaadiid ilaalo u ah Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo ka tirsan hey’adda NISA u xaqiijiyeen Caasimada Online, Taliyaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyey inay soo xaroodaan askarta iyo gaadiidka ilaalada ka ah guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Illaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka NISA iyo labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa la siiyey amarkaan, kuwaas oo ilaalo ahaan u jooga guriga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxaa maanta aad baraha bulshada loogu faafiyey war sheegayey in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse waxay Caasimada Online soo xaqiijisay in uusan dhicin wax weerar ah.

Ciidamadaan oo wata laba gaari ayaa lagu amray inay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin ilaalada Taliyaha NISA oo hadda loo magacaabay Mahad Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa hada dalka ka maqan, wuxuuna bartamihii bishii hore u safray dalka Turkiga, maalin kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa jiheeyaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda dibad joog ka ah siyaasadda, kadib markii uu guul dareystay madaxweyne Farmaajo oo mudo uu kala shaqeynaayey dib u doorashadiisa.