Hanti dhowrka guud oo baaris musuq-maasuq ka bilaabay W/Waxbarashada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa baaris Musuq-maasuq ka bilaabay Xafiisyada Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Wasaaradan uu Hanti dhowrku ka bilaabay baarista ayaa kamida Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Somaliland.

Hanti dhowrka guud, baaristan uu ka bilaabay Wasaarada ayaa si gaar ah waxa uu xooga u saaray Xafiiska maamulka iyo lacagaha ee wasaarada, kaasi oo ay ka qaaten dukumantiyo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee wasaarada u degsan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen shaqaale kamid ah Wasaarada.

Xafiisyada kale ee Hanti dhowrka guud uu ka bilaabay baarista ayaa waxa kamida Xafiiska maamulka iyo lacagta ee waaxda tacliinta sare, isagoona dabagal ku haya xafiisyada wasiirka iyo agaasimaha guud, kuwaas oo leh Saxiixyada ay intooda badan ku baxaan qarashaadka Wasaaradu.

Qaar kamid Bulshada reer Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqay Hanti dhowrka guud inuu baaris ku sameeyo Wasaarada waxbarashada, kuwaasi oo ku tilmaamay inuu Hay’addan ka jiro Musuq baahsan.

Si Kastaba, Musuq-maasuqan ay ku kaceen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa saameyn weyn ku yeelanaya hanaanka waxbarasho ee dalka, marka laga imaado saameynta uu ku yeelan karo shaqaalaha wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com