Hanti dhowrku: Ma hanti qaran ayuu dhowrayaa mise hanti ayuu naga sameynayaa?

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax wuxuu ka mid yahay madaxda hay’adaha waaweyn ee dalka ka jira, waxaana had iyo jeer la maqlaa isagoo ka hadlaya musuq iyo is daba marin dhacay ama sharci darro ku tilmaamaya tallaabo hay’adaha dowladda qaadeen.

Dr. Nuur ma jirto cid xilka ka qaadi karta sida uu aaminsan yahay, mana laha waqti uu dhacayo, maxaa yeelay wuxuu ku yimid rabitaanka beesha caalamka, waxaana lagu soo xulay geedi socod si madax bannaan lagu shaqaaleeyay oo laga soo dhex xulay tobanaan qof. Ka sokow inuu dhalasho Mareykan ah heysto, waxaa laga soo xigtay inuu saaxiib la yahay madaxweynaha cusub ee Farmaajo.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku farxay in xafiiska Hanti dhowrka uu shaqo galo, isla markaana aqoonyahan Dr. Nuur oo kale ah uu ka howlgalo, waxaase la yaab leh in qeylo dhaan kasta oo Hanti dhowrka ka timaada ay ku dhammaatay meel eber ah.

AKHRI TUSAALOOYINKAN

  • Hanti dhowrka wuxuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay intii ay xilka heysay xukuumadii C/weli Sheekh Axmed in 19 wasaaradood oo lagu helay musuqmaasuq ay tan ugu yar lunsatay lacag ka badan Nus Milyan Doolar, waxayna Hanti Dhowrka iyo Xeer Ilaaliyaha Feylal waaweyn la tageen Baarlamaanka. Arrintan lama oga meel ay ku dambeysay.
  • Hanti dhowrka guud wuxuu sharci darro ku tilmaamay Canshuurta Guryaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadayay dadka Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, laakiin muddo kadib waxaa la arkay isagoo ka qeyb galaya xaflad maamulka Gobolka Banaadir ku dhagax dhigay dhismaha Wadadda Wadnaha oo dhismaheeda lagu bilaabay lacagtii canshuurta ahayd ee uu sharci darrada ku tilmaamay.
  • 7 ka mida shaqaalaha xafiiska hanti dhowrka ayuu ku eedeeyay inay laaluush ka qaateen wasaaradihii ay baarayeen, shaqadiina uu ka eryay. Laakiin shaqaalaha xafiiska ayaa ku eedeeaya inay qaati ka joogaan hanti dhowrka oo aanu shaqada aqoon u lahayn, isla markaana yahay nin yaqaana IT.
  • Hanti dhowrka guud wuxuu sheegay madaxtooyada loo diiday inuu galo, laguna weeraray, isla markaana lagu dili lahaa.
  • Dhowaan wuxuu sheegay qeylo dhaan ka soo saaray hanti dhowrka miisaaniyad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag dhan 110 Milyan Doolar, oo aan weli la xisaab xiran miisaaniyaddii 2015 iyo 2016. waxaa la is weydinayaa halka uu ku maqnaa labadii sano ee la soo dhaafay.
  • Waxaa dad badan la yaab ku noqotay markii hanti dhowrku soo saaray qoraal uu ku difaacay sidii Guddooomiyihii hore ee Gobolka Banaadir u maamulay dhulka.
  • Mar wuxuu hanti dhowrku Nuur Jimcaale sheegay in heshiis aanu isagu diiwaangelin uu yahay sharci darro, isagoo markaas ka hadlayay shirkadaha dalka ka howlgala. 
  • Hanti dhowrka wuxuu marar badan ka soo saaraa qeylo dhaan heshiisyo iyo lacago ay dadka ka qaadaan hay’adaha dowladda Federaalka kadibna waxaa la arkaa isagoo la macaamilaya.
  • Warkii ugu danbeeyay ee hanti dhowrka kasoo yeeray ayaa ahaa in la jabsaday xafiiskiisii, isla markaana lagala baxay qalab iyo dokumentiyo muhiim ah. Waxaa la is weydiinayaa cidda falkaasi geysatay, iyadoo la ogyahay in xafiiska Hanti dhowrka uu guri ahaa u degan yahay hanti dhowraha laftiisa.??

Arrimahan oo dhan waxay shaki badan gelinayaan habka shaqo ee hanti dhowrka guud oo dadka qaarkii ay u arkaan nin ku shaqeysta xilka uu ku magacaaban yahay ama haddii si kale loo yiraahdo inuu shaqadiisa u adeegsado si uu madaxda xafiisyada kale handado kadibna xaaladda qaboojiyo is afgarad kadib.

Hanti dhowre Dr. Nuur Jimcaale wuxuu hayaa warbixinta dhammaan hantidii Qaran ee dowladii hore ay iibisay, waxaana hortiisa lagu bixiyay hanti badan oo Qaranku lahaa, taasoo ay qaateen shaqsiyaad, iyadoo aan mar qura la maqlin isagoo ka hadlaya..!

Gabagabadii waxaan ku soo xirayaa qisad soo socota:

W/Qoray Xassan Moalim

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid