28.1 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Hargeysa oo lala dagaalamayo qatar!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jariimooyinka hubeeysan ee ay ka dambeeyaan burcadda waddooyinka ayaa ku soo kordhay gobolka Somaliland 18-kii bilood ee la soo dhaafay, laakiin mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegaya inay dagaal kula jiraan arrinkaas.

Kooxo dhallinyaro burcad ah, oo markii hore u abaabulnaa qaabka kooxaha kubadda cagta ama mid xaafadeed, ayaa hadda jariimooyin iyo rabshado ka fuliya xaafadaha Hargeysa, ayuu sheegay Guuleed Axmed, oo ah agaasimaha Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee saldhiggeedu yahay Hargeysa.

“Waxa ugu wayn [dambiyadan dhaca] waa kufsi-wadareedyo ay haweenka kula kacaan, iyadoo xadgudubyada kufsigu dalka ugu sii kordhayaan si joogto ah,” ayuu yiri Axmed.

Mid ka mida xaaladihii ugu foosha xumaa wuxuu ahaa kufsigii laba gabdhood ay Hargeysa ugu geeysteen 21 nin habeenimadii 25-kii July. Wax yar kadib, dhammaan raggaas waxaa lagu helay dambi intooda badanna waxaa lagu xukumay xabsi toban sano ah.

Ayaamahanna, xaaladaha dhaca ayaa isku baddalay kuwo halis ah, iyada oo xubnaha burcaddu isticmaalayaan faasas, middiyo, toorreeyo iyo xittaa dhagxaan si ay u handadaan dadka, ayuu sheegay Axmed.

“Dilalka ka dhasha dambiyadan dhallinyaradu ku hawlan yihiin, qaarkood waa kuwo si fool-xun oo arxan-darro ah loo fuliyay,” ayuu yiri.

Tusaale ahaan, 2-dii October, afar nin ayaa Mustafa Cabdi Xasan oo dhawaantan un qalin-jabiyay ku weeraray isgooys ku yaal waqooyiga Hargaysa waxayna ku amreen in uu siiyo taleefankiisa moobiilka. Markii uu diiday, ayay dhagxaan ku tuuryeeyeen illaa uu ka dhacay kadibna tooray ayay ku dileen, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ah.

“Kooxo kala gaddisan ayaa ka jira xaafad ama degmo kaliya oo ka mida Hargeysa,” ayuu yiri Axmed. “Waxay xilliyada habeenkii, iyo xataa mararka qaarkood maalintii, ay jidadka dhigtaan dhagxaan si ay baabuurta maraysa lacag uga qaadaan.”

Maahan in qofina u baqo noloshiisa ama hantidiisa, xukuumaddana waxa waajib ku ah in ay taa hubiso, ayuu yiri.

Dhibaatada burcadda waxaa wax looga qaban karaa iyada oo isbaddal lagu sameeyo ciidanka bilayska, iyada oo dib loo hagaajinayo sumcad xumada u dhex taal shacabka isla markaana kor loo qaado awoodiisa, ayuu sheegay. Haddii ay bilaysku si joogto ah uga dhex shaqeeyn lahaayeen xaafadaha, burcaddu awood uma yeelateen in ay isu tagto oo ay is abaabusho.

“Waa in xaddiga bilaysku noqdo mid kaafiyi kara baahida amniga oo dhan,” ayuu yiri Axmed.

Magaalooyinka kale oo waaweeyn oo ku yaal gobolka Somaliland ayaa sidoo kale waxa ka jira koror dhinaca rabshadaha ay sameeyaan burcaddu.

Muwaadiniinta oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada burcadda

Cabdinuur Maxamed Xasan, oo daggan degmada Axmed Dhagax, ayaa sheegay in uu ka naxay markii uu arkay in walaalkii 14-jirka ahaa iyo ciyaalkii xaafadda uu kula soo koray ay noqdeen burcad fulisa tallaabooyin sharci-darro ah.

“Markaan canaantay, kana reebay, waxa gurigayga soo weeraray 12 ilaa 13 dhallinyaro, budad, mindiyo iyo baangado ku hubaysan. Markii guriga laga xidhay ee ay u dhici kari waayeen, waxay burburiyeen laambadaha dibadda guriga sudhnaa,” ayuu Xasan sheegay.

Bishii August, ayuu ku qanicyay walaalkii in uu isaga baxo kooxda, ayuu sheegay, laakiin burcaddii ayaa ku hajabay in ay aargoosan doonaan haddii aan la siin 132,000 oo shilin ($20), oo ah ganaax ku culus qoyska.

“Waxan uga soo saaray burcadda sababtoo ah waxa uu dhibaato ku hayay bulshada sidoo kalena ma dooneeyn in ay isaga dhibaato soo gaarto,” ayuu Xasan yiri isaga oo ka hadlaya walaalkiis. “Laakiin, markaan bixiyay lacagta ganaaxa, oo ka mida shuruudaha u yaal in qofku uu kaga bixi karo kooxda, wax dhib ah kalama kulmin.”

Meel kale oo ka mida Hargaysa, ayuu Maxamed Xirsi oo deggan xaafadda Xareed, waxa uu sheegay in biloowgii sannadka, ay xaaskiisa iyo gabdhihiisu aanay aadi karin suuqa wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo sababtoo ah dhibaatada burcadda.

Laakiin toddobaadyadii dhawaa, ayuu sheegay in uu arkay ugu yaraan afar gawaarida bilayska ah oo gaaf-wareegaya xaafaddiisa ammaankuna uu soo hagaagayo.

“Dhallinyaradii dhibaatada ka waday xaafaddeeyda waa la qabqabtay, howlgallada bilayska ee habeenkii ayaana naga bi’inaya cabsidii jirtay,” ayuu yiri.

Bilayska oo lagu dhiirriyay in uu yareeyo cabsida dadweynaha

Dhinacooda, ayay mas’uuliyiinta ammaanku waxa ay qaadayaan tallaabooyin ay ku tirtirayaan khatarta jariimo ee ay wadaan dhallinyarada burcadda ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Bilayska Sarreeye Guuto Cabdullaahi Fadal Iman ayaa 8-dii October ku dhawaaqay in ay 540 askari oo bilays ah u saareen in ay habeenkii ku wareegaan Hargaysa si loola dagaallamo rabshadaha lagu dhinto ee ay geeysteen qowlaysatadu ee dhacay biloowgii bishan.

Markii ay taariikhdu ahayd 21-kii October, ayuu Iman warbixin la siiyay saxaafadda ku sheegay, in ay qabteen 265 qof.

Dadka la qabtay ayaa isugu jira xubno ka tirsan burcadda, tuugo, kuwa ka ganacsada manadooriyaha, sakhraamiin, iyo dambiilayaal kale, ayuu yiri Iman, oo soo bandhigay faasas, tooriyo, baangado, middiyo iyo maandooriye uu bilaysku ka qabtay tuhmanayaasha intii lagu jiray soo xirxiriddooda.

“Hubkan ayay dhexdooda isu adeegsanayeen, bulshadana ku dhibaataynayeen,” ayuu yiri.

Warancadde ayaa sidoo kale ku eedeeyay garsoorka in ay si hoose ula shaqeeyaan burcadda.

“Waxan ka xunnahay in aan halkan ka sheegno in qaar ka mida maxkamadeheennu ay la shaqeeyaan dhallinyarada,” ayuu Warancadde ka sheegay shir-jaraa’id oo uu qabtay 26-kii October kadib kulan uu la yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka. “Marka dhallinyarada loo soo xiro kufsi iyo dhac, ayay maxkamaduhu sii daayaan kadib markay ka qaataan laaluush yar.”

Ciidamada ammaanku waxay boqolaal burcad ah ku qabteen xaafada intii ay wadeen gaafwareegga habeenimada, laakiin mid ka mida xabsi ma aadin, ayuu sheegay Warancadde. “Ma aqbali karno arrinkaas maxkamadaha ayaanunna kala hadli doonnaa,” ayuu yiri.

Maxkamadaha ayaanan si rasmi ah uga jawaabin eedeeynta iyada oo iskuday la damcay in uu faallo arrinkaas khuseeysa uga helo mas’uuliyiinta aan lagu guuleeysan.

Awoodda dhallinyarada oo laga faa’idaysto

Jirteeyoo ay dhawaanahan jireen qorshayaal looga hortagayo jariimada oo ay sameeyeen mas’uuliyiina amniga Somaliland, haddana waxa wali loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cirib-tiro halista laga mutto burcadda taasoo ah in dhallinyarada la galiyo howlo waxtar leh, ayuu yiri xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan.

Warbixinaha aannu Bilayska iyo masuuliyiinta Xabsiyada ka helay, 95% maxaabiista waxay da’doodu u dhexaysaa 15 iyo 25-jir,” ayuu Cismaan, oo ka tirsan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Guurtida sheegay.

“Waa xoog laga faa’iidaysan waayay,” ayuu yiri. “Hadday arrimahani sii socdaan, waxay keenayaan nabadgelyo-darro wayn … Hargeysa waa magaalada ugu cabsida badan xilligan, waana in la buuxiyo goldaloolooyinka [ammaanka] ee jira iyadoo la kordhinayo saldhigyada bilayska, wacyigelin la sameeynayo, sidoo kalena dhalinyarada barnaamijyo kale lagu jeediyo.”

Si kastaba ha ahaatee, Cusmaan waxa uu rajo weyn ka muujiyey in Sharciga Bilayska Somaliland, kaas oo uu soo ansixiyey Aqalka Sare ee baarlamaanku 29-kii October, uu qayb ka noqon doono xallinta dhibaatooyinkan.

- Advertisement -

Read more

Local News