Haweenay la dhalatay Abu Bakar Al-Baqdaadi oo gacanta lagu soo dhigay

Ankara (Caasimada Online) ― Haweenay la dhalatay hogaamiyihii hore ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi ayey dowladda Turkiga ku xirtay gudaha Suuriya, sida uu shaaciyay Sarkaal Turki ah.

Wakaalada Reuters oo soo xiganeysa Sarkaal sarre oo ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in gudaha Suuriya ay ciidamada Turkigu ku xireen haweenaydaasi la dhalatay Baqdaadi.

Wakaalada ayaa xustay in xariga haweenaydaasi uu Turkigu uga danleeyahay in uu weydiiyo Su’aalo si uu uga helo xogo, iyagoona ku xiray magaalada Azaz ee waqooyiga Suuriya.

Sarkaal ay wakaaladu soo xiganeyso ayaa ka dhawaajiyey in haweenaydaasi oo lagu magacaabo Rasmiya Awad, isla markaana ay da’deedu tahay 65-jir lagu qabtay weerar uu dhowaan Turkigu ka fuliyay meel u dhow magaalada ay gacanta ku hayaan ee Azaz.

Haweenaydan ayaa waxa la sheegayaa in ay la socdeen shan kamid wiilasheeda xiliga ay gacanta ku soo dhigayeen ciidamada Turkigu.

Sarkaalka Turkiga ah ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ay dowladiisu ay rajeynayso in ay xogo badan ka heli doonto Baqdaadi walaashii, wuxuuna yiri “Waxaan ka helaynaa xogo qiimo leh leh walaasha Baqdaadi, kuwaasi oo ku saabsan sida uu gudaha uga shaqeeyo ururka Daacish”.

Abuubakar Al-Baqdaadi, hogaamiyihii hore ee ururka Daacish ayaa waxa la dilay dhamaadka bishii hore, xili ay weerar ku qaadeen ciidamada gaarka ah ee Markeykanku, isagoo hoygiisi uu ku dhuumanayey ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa