Madaxweynayaashii hore oo ku sii jeeda Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya, Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Madashaasi, iyadoona xalay ay ku dhawaaqeen guddi ka shaqeeya u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.

Ujeedka socdaalka labada Madaxweyne ee hore ayaa ah sidii ay u kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed ay ka jira Beledweyne iyo siduu  u saameeyey wabiga Shabelle.

Sidoo kale waxaa ay dadka dhibaateysan gaarsiin doonaan kaalmo bani’aadanimo oo Madasha Xisbiyada Qaran uga qeyb qaadaneyso caawinaada loo fidinayo dadkaasi oo weli u baahan garab istaag iyo gurmad deg deg ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Baay ee maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda labaasi degmo oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com