Gabar dhimatay xilli ay isticmaaleysay mobile-ka iPhone (Waana markii 2aad)

Moscow (Caasimada Online) – Haweeneey dhallinyaro ah ayaa ku dhimatay qubeyska xilli ay akoonkeeda mareegaha Facebook uga jirtay taleefankeeda gacanta nuuca iPhone ah.

Evgenia Sviridenko, oo 24 sanno jir ah, ayaa jaajar ugu socday taleefankeeda waxayna sidoo kale ku jirtay akoonkeeda Facebook ka hor inta aysan geeryoon.

Mid ka mid ah dadkii ay degaan wadaaga ahaayeen ayaa ogaatay gabadhaasi wax badan ku jirtay musqusha isla markaana ay u aaday inay soo hubiso xaaladdeeda ka hor inta aysan biyaha waastada ku dhex arkin meydka Evgenia Sviridenko.

Evgenia Sviridenko oo geeriootay ka dib markii ay mobile-keeda ku isticmaashay musqusha
Evgenia Sviridenko oo geeriootay ka dib markii ay mobile-keeda ku isticmaashay musqusha

Yaroslav Dubinina oo ka mid ah dadka degaanka aya saxaafadda u sheegay: “Waxaan ogaaday inay muddo ku maqneyd musqusha ka dibna waxaan awoodi waayey inaan furo albaabkeeda waan qaadi waayey markii aan ku dhex arkay biyaha xaqiiqdii iyada oo mututuxday.

“Waxaan arkay mobile-keeda oo ku jiray jaajarka waxaana kasoo bixiyey jaajarka ka hor inta aanan arkin akoonkeeda Facebook oo furan. Jirkeeda oo dhan wuxuu ahaa mid biyuhu ay kala daadsheen oo naxdin leh.”

23 sanno jirkaan Yaroslav Dubinina ayaa si dhaqso ah u wacday gawaarida gargaarka degdega ah waxayna u sheegtay dhaqaatiirta wixii dhacay. Booliska ayaana baaraya sababta uu taleefankeedu ugu jiray jaajarka oo aan looga bixin inkastoo aan weli daaha laga qaadin inuu teleefankeedu ahaa mid haysta leysin soo saar rasmi ah.

Evgenia ayaa la ogaaday inay ku jirtay akoonkeeda Facebook ka hor inta aysan geeriyoon
Evgenia ayaa la ogaaday inay ku jirtay akoonkeeda Facebook ka hor inta aysan geeriyoon

Evgenia iyo Yaroslav ayaa labaduba si wadajir ah ugu noolaa magaalada caasimadda u ah dalka Russia ee Moscow.

Dhimashada haweeneydaan ayaa imaaneysa maalmo ka dib markii ay gabar 16 sanno jir ah ku dhimatay Russia gaar ahaan Bashkortostan Republic ka dib markii ay isku dayday inay taleefankeeda kala soo baxdo jaajarka qolka qubeyska.