27.2 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

JAWAARI OO FARRIIN CULUS DIRAY !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa ka hadlay dagaalada labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha baarlaaanka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay raadiyaha dowlada ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalada labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay degmadaasi.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in dagaaladaasi ay sababayaan dhimasho iyo barakac soo gaara dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada gobolka Galgaduud, wuxuuna talo usoo jeediyay labada dhinac ee dagaalamaya.

“waa in la isweydiiyo maxaa la isku dilayaa, yaa la dilayaa, maxaana loo dilayaa, aniga waxaan leeyahay dagaalka hala joojiyo, odayaasha waxaan leeyahay dadaal hala sameeyo, yaan look ala harin,xukuumada amar ayaan siinay”ayuu yiri Jawaari.

Ku simaha madaxweynaha dalka ayaa sheegaya in golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka yeesheen dagaalada ka dhacay degmada Guriceel ayna sameynayaan dadaalo dagaalkaasi lagu joojinayo.

Dagaalkii degmada Guriceel ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah iyo dhaawacyo intasi ka badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News