Haweenka Muqdisho oo ku dheggan Tarsan (Maxay isku hayaan?).

Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, ayaa gudoomiyaha Gobolka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxay ku eedeeyeen inuu faragalin kuhaayo oo uu kala geynayo haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Xaawo C/laahi Qayaad, oo horay uga tirsaneed xilibaanadii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa sheegtay in maalmahaan haweenka qaranka ay ahaayeen kuwo is qilaafsan islamarkaasna qolo qolo ushirayay, Xaawo ayaa gudoomiye Tarsan ku eedeeysay inuu qaar katirsan haweenka uu maalmahaan si gaar ah ula shirayay.

“Gobolka Banaadir, horta waa goboleena, waa garbaheena laakiin beryahaan waxaan aragnay gaar gaar usocod, haweenka Soomaaliyeed lakala faquiuqo, degmooyinka loo soo bixiyo la’amro, haweenka Soomaaliyeed waa laba gabdhood oo sinan, waxa weeyaan Aqligu inuu shaqeeyo ayaa lo baahanyahay, waxaa loo baahanyahay in la dhexdhexaadiyo, maahan in qof lala safto gudoomiyaha waxaan leenahay noqo qoortii labada dhinac udhaxeeysay, haweenka Soomaaliyeedna ha’ukala eexan” ayay tiri Xaawo C/laahi Qayaad.

Haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay qilaaf aad uxoogan oo kadhex jiray, haweenka ayaa kala doortay labo gudoomiye, mid walbana waxay ku doodeeysaa in iyada ay tahay gudoomiyaha xaqa ah islamarkaasna ladoortay.

Sida muuqata haweenka Soomaliyeed ayaa hada u muuqda kuwo lamid noqday siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee looga bartay is qabqabsi siyaasadeed iyo in xil laysku qabsado.