Geelle oo ka farxiyay Haweenay 5 Caruur ku dhashay Muqdisho.

Madaxwaynaha Dowlada Jabuuti Cismaaciil Cumar geele ayaa deeq waxaa uu soo gaarsiiyay Haweenay Soomaaliyeed oo ku nool Muqdisho dhashayna Afar Caruur ah.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib dubad Rooble  ayaa warbaahinta u sheegay lacagtaan loo soo marsiiyay haweenaydan dhashay Afarta caruur Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Dayib in lacagtan ay soo dhiibtay Marwada koowaad ee Madaxwaynaha Jabuuti Khadro Maxamuud Xeyle isagoo cadadka lacagahaas ku tilmaamay 5,000$.

Marwada Madaxwaynaha ayaa sheegtay in lacagtan ay ugu tala gashay Xaliimo Maxamad Cabdi oo muqdisho ku dhashay Afar caruur ah midna waa uu ka dhintay.

Waa ay ugu Mahad celisay Xaliimo Maxamad gar gaarka ugu yimid Madaxtooyada Jabuuti.