Luis Suarez: Ma ihi jilaa ee dadka waa ay iga been abuuraan.

Luis Suarez ayaa isku difaacay inuusan dhulka isku tuurin si uu u helo Gool ku laad ama laad xor ah, iyadoo waayadaan xidiga dalka Uruguay lagu dhaleeceynaayey inuu istuuro si ay garsoorayaashu Rigoore ugu dhigaan.

Suarez ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyey goolkii barbaraha ay Chelsea kula wadaageen dhibcda wuxuuna waayadaan fure u ahaa gool dhalinta Reds isagoo ilaa iyo haatan u dhaliyey sideed gool.

“Jiliin kuma sameeyo xerada ganaaxa, kubada cagta waan ku shaqeystaa, in la iga been abuuro waa wax sumcad darro ah mana ahan cadaalad,” ayuu yiri weeraryahanka xulka Uruguay.

“Daraasad la sameeyey wax sheegeysaa inaan ka mid ahay weeraryahanada ugu badan ee hela laadadka xorta ah, laakiin waan qaadanayaan go’aanada garsoorayaasha, sababtoo ah waa bini’aadam diidaya qaladaadka.

“Waan aqbalayaa dhaleeceyta la iisoo jeediyo laakiin dhibku waa in dadka intooda badan aysan aqoon wax ay igu dhaleeceeyaan taasna waa mid aanan raali ka aheyn.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.