Drogba oo sharaxay sababtii keentay inuu ka tago Chelsea.

Didier Drogba ayaa sharaxay sababtii keentay inuu ka tago Chelsea wuxuuna sheegay in kooxdu ay dooneysay inay dhiig cusub kusoo darto ciyaaryahanadeeda ka dib markii ay ku guuleysatay Koobka kooxaha Yurub.

Drogba  ayaa ka tegay Stamford Bridge isagoo ku biiray kooxda Shiinaha ka dhisan ee Shanghai Shenhua ka dib markii uu dhaliyey goolku laadkii guusha ay Chelsea UEFA Champions League uga qaaday Bayern Munich bishii May.

34 jirkaan heerka caalami ee dalka ivory Coast ayaa sheegay inuu doonayey inuu joogo Blues balse aysan kooxdu la gaarin wax heshiis is faham ah taasoo ku dhalisay inuu ka hayaamo galbeedka London.

“Ahmiyadeydu waxay aheyd inaan joogo Chelsea oo aan ku dhameysto xirfadeyda ciyaareed, heerka ugu sareeya, laakiin kooxda ayaa dooneysay inay keento dhiig cusub,” ayuu u sheegay France Football.

“Sidaas darteed bilo ayaan wada xaajood ku jirnay mana aanan gaarin wax is afgarad ah.

“Waxaan dalab ka helay Shanghai balse waan ka laba-labeeyey hadana waan ka laba-labeeyey. Ugu dambeytii waxaan raacay talada tababaraheygii hore ee Le Mans kaasoo igu waaniyey inaan u dhaqaaqo China.

“Waxaan qaatay go’aan ah inaan kooxda ka tago ka hor Finalkii Champions League, xitta ilaa waqtigaan heshiis uma aanan saxiixeen.

“Hadii aanan koobka ku guuleysan laheyn ma garanaayo sida aan uga jawaab celin lahaa. Guusha ayaa igu caawisay inaan ka tago. Waxay aheyd waqtiga saxda ah oo aan tegi lahaa.”

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.