Haweenka Soomaaliyeed uma baahna wasiirad ka shaqeysata danaheeda

Dal walba waxaa si aad ah looga ixtiraamaa Haweenka waxey qabtaan jagooyin sar sare waxey qeyb ka yihiin go’aanada Masiiriga ah ee la gaaro, sidoo kale codkooda wuxuu gaaraa meelo fog fog.

Hadii aan nahay Haweenka Soomaaliyeed runtii ma helno intaas iyo in u dhaw aad ayaan uga liidanaa ka qeyb galka Siyaasadda dalka, waxaana ugu wacan Bulshadeena Soomaaliyeed oo aamisan in Ragga kale dunida horumarin karaan.

Dalal dhowr ah oo dhaca qaaradaha kala duwan ee Caalamka waxaa hogaanka u haya Dumar, xuuqdooda dumarkana iyaga ayaa si gaar ah u ilaaliya kuna matala hadba heerka uu yahay kursiga ay joogaan sidoo kale waxey ku difaacaan xuquuaha Haweenka.

Annaga hadaan nahay Soomaali waxaan dalka ka heynaa xilal kala duwan sida Xildhibaan, Wasiir iyo jagooyin kale oo magic u yeel ah.

Nasiib darro waxaa noogu filan in Haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku nool aan laga soo xulan dadka xilalkaasi haya, maxaa yeelay ma dareemi karaan dhibaatooyinka heesta haweenka, duruufaha adag ay ku noolyihiin iyo xuquuqdooda oo aysan u doodin.

Wasiiradda Haweenka  xukuumadda Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin waxey hoos u dhigtay dadaalkii aan u soo halganay ee heerba heer soo gaaray, waxey ilowday iney nagarab qabato, sidoo kalena ay nagala shaqeyso sidii aan u noqon laheyn haween horumarsan oo xuquuqdooda dhacsada.

Wasaaradda ay mas’uulka ka tahay badi waxaa ka shaqeeya haween qurbo joog ah oo Soomaaliya waxba ka aqoon xitaa qaarkood kuma hadli karaan luuqadeena Hooyo iskadaa iney nala shaqeeyaan, sidoo kale waxaa la shaqeeya Rag uu ku fogaaday dumar naceybka kuwaa oo xili walba shirarka ku casuuma dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka.

Marwo Deeqa waxey kaloo ku guuldareesatay iney sharciyadda xuquuqda haweenka u gudbiso Baarlamaanka Federalka tan iyo markii la magaacabay xitaa kama aysan hadlin arrimahaasi, kaliya waxey ka hadashaa arrimaha gudniinka gabdhaha  oo hay’do qandaraas kula gashay.

Haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa oo si weyn uga soo horjeestay Shir ay Waddo Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin oo Berri ka furmaya magaalada Muqdisho, sababo badan aawadeed.

Shirkaas oo haweenka dalka loogu talagay in looga hadlo aayahooda waxaa ka qeyb galaya dadka qurbo joog ah oo ka kala yimid Yurub iyo America una badan haween iyo dhowr Ragg ah oo aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka.

Wasiirada waxey iska indho tirtay dhamaan dumarka Soomaaliyeed ee gudaha kuwa ku nool deegaanada maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho, mana jirto cid berry shirkaas u mataleysa haweenka dalka.

Wasiiradda oo lafteeda qurba joog ah ayaa lagu eedeeyay in ay xaqiraad ulakac ah ku sameysay gabdhihii Soomaaliyeed ee dalka xilliyadii adkaa u soo halgamay oo ay ka doordbiday qurbajoog aan dhaqanka Soomaaliyeed iyo halgankii adkaa ee ay gabdhuhu soo galeen waxba kala socon oo ay shirka baritoole ku casuuntay.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuula Shiikh Axmed Gaballe  ayaa warbaahinta shalay u sheegtay in wasiiradda Haweenka Deeqa Yaasiin ay tiri “ Guriga Hooyooyinka igu soo wareeji bishiina lacag 5,000 oo doolar ah qaado.

Marwo Batuulo wey iska diiday weyna ka xumaatay hadalka wasiiradda, bal kawaran hadii ay heshiin lahaayeen soo halgankii haweenka muu dhinteen?

Xubnaha ururka haweenka gobolka  ee gobolada dalka oo iyaguna shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in maanta kadib aaney wasiir Deeqa u aqoonsanyn Wasiir Haween .

Waxa jirta qeyla dhaan kale oo aad u xooggan oo ka imaneysa dalka dibadiisa  kuwaas oo iyaguna sheegay in berri ay qaban doonaan shirar ay uga horjeedaan Wasiiradda oo ay ku tilmaameen in Wasaaraddii ay ka dhigtay NGO-yadii ay la shaqeyn jirty.

Wasiiradii hore ee haweenku waxey ka shaqeyn jireen midnimada Ivo walaaltinimada gabdhaha dalka jooga iyo kuwa dibadda jooga laakiin Wasiir Deeqa ay hadda colaad ka dhex abuureyso haweenka dhexdooda.

Sidaas darteed haweenka Soomaaliyeed uma baahna in lakala dilo oo lakala qeybiyo waxaan rabnaa wadajir iyo midnimo inaan kuwada noolaano ee fadalan iscasil oo naga hor wareeg.

W/Q: Naciima Hassan Gacal      
Naimahgacal@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid