Mashruuci ‘fadhi ku dhereg’ oo Kismaayo ka hirgalay iyo afgarasho yaab leh oo musharrixiin lagu xalliyey

Markii la faafiyey qoraalkii uu cinkwaankiisu ahaa FADHI KU DHEREG, rag iyo dumar badan oo Reer Jubbalaan ah ayaa waxa ay isugu direen baraha bulshada. Taasi waxa ay keentay in Xildhibaannada Jubalaan oo tiradooda 80 tameeyo tahay ay maanta u taagan yihiin 10000 (toban kun) oo musharrax. Sababtu waxaa weeye, waxaa la isla fahmay lacagta faraha badan ee musharrixiinta madaxweynuhu ay bixinayaan oo laga yaabo in Xildhibaankii uu uruursan karo ilaa 200, 000 kun oo Doolar oo uu hal mar fakhriga ku tuurayo. Qoraalka FADHI KU DHEREG ka sokow, dadku waa tol oo waxa ay inta la xiriireen ogaadeen lacagaha ay heleen xildhibaannadii Buutlaan iyo qasriyadii ay isla markiiba jeexdeen.

Dhacdada yaabka leh ayaa ahayd, in Xildhibaan Jubbalaand oo reer ka dhaxeeyey oo ay u tartamayeen 40 musharrax, shalay lagu dhexdhexaadiyey in nin loo daayo, 39 kala ay qaybsadaan lacagta faraha badan ee codkaasi. Waxaa lagu heshiiyey in musharrax kasta lacagta laga qaado. Maadaama aamminkii uu yaraaday, waxaa la isku waafaqay in Xildhibaanka guri lagu hayo oo uusan iska bixi karin, marka musharrax soo wacana la raaco. Si ay ku dhacdaba, haddii uu dhuunto Xildhibaanku, waxa ay beeshu ku heshiisay in ay garaacaan 39 ka kale oo ay ka soo matajiyaan wixii uu la dhuuntay. Marka la raaco, musharruxu lama faqi karo Xildhibaanka, lacagtana iyaga oo dhan baa kala heshiinaya, markii loo tiriyana horay bay ka qaybsanayaan inta kale. Xildhibaanku iskuma heli karo lacagta iyo jagada.

Kismaayo oo dhan baa maanta musharrax Xildhibaan ah, dabadaa la is haystaa, lana is fahan.

REER GALMUDUG

Galmudug xiisaheedu waa adag yahay. Dadka ugu lacagta badan Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya. Dhaqaalaha faraha ka batay ee Xamar yaalla (mid dawladeed iyo mid shacabba), dadka iska leh waa Reer Galmudug. Ganacsato, Wadajir, UPD iyo Nabad iyo Nolol iyo baloo dhan baa isku hardinaysa. Tuubboyin badan oo dibedda ah baa haddana ku soo burqan doonta. Waxa ay u badan tahay in qiimaha codadku ka sara maraan Jubbalaan. Ilaa 300, 000 Doolar baa la qiyaasayaa in Xildhibaankii dadaaala uu uruursan karo. Qofkii Galmudug Xildhibaan hela, fakhriga in uu tuurayo shaki kuma jiro. Halkaasina ha lagu yaaco. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal.

Digniin: Galmudug dilku waa ka fudud yahay ee hadda ka sii feker sidii aad lacagtaasina ku xaabsan lahayd, naftaadana u badbaadsan lahayd.

FG: Haddii aad doonayso in aad akhrisato qoraalka FADHI KU DHEREG, ka raadi Faysbuuggayga iyo Balooggayga. Akhri qoraalkaasi xog iyo qish badan baad ka helaysaaye.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid