Warbixin: Maxaa Farmaajo looga reebay iskaashiga cusub ee Geeska Afrika?

Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo shir muhiim u ah gobolka ay ku yeelan doonaan.

Labada mas’uul ayaa kasoo kicitamay Magaalada Addis Ababa, iyada oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maalmahaan ku sugnaa Asdis Ababa, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in saddexda mas’uul ay yeelan doonaan shir madaxeed looga hadlay arrimaha gobolka iyo sidii dalalkooda ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

Si kastaba, waxaa kulankan ka maqan oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan.

Kulan madaxeedyadii hore oo ay ka maqnaayeen madaxda Kenya iyo Jabuuti, ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya lagu soo daray, hase yeeshee ma cadda sababta Eritrea iyo Ethiopia ay iskaashi ula sameysanayaan Kenya keligood, maadaama iskaashigii hore ay Soomaaliya qeyb ka ahayd.

Sidoo kale, kulamadan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay islamarkaana Kenya ay raadineyso dalal ay xulafaysato, si ay dagaalka diblomaasiyeed ee Soomaaliya ugu guuleysatay.

Dadka fallan-qeeya arrintan ayaa rumeysan in tani astaan u tahay in Farmaajo markii horeba ku deg degay inuu saaxiib la dhigto oo uu iska aamino dalal Soomaaliya cadow ku ah, mudana ka shaqeynayey burburkeeda.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka maqnaanshaha Farmaajo ee kulamadan ku macneeyey siyaasadda arrimaha dibedda dalka oo aan fogaan arag ah.

“Sedax Geesood kale. Siyaasada Arrimaha debeda fogaan arag, dheelitirnaan, xilkasnimo iyo dan xeerin ayey u baahan tahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

Sidoo kale, Aqoonyahan la hadlay Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu farriin u yahay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo gooni oo riixayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com