Aabe Takfiir ah oo sabab yaab leh maanta wiilkiisa ugu gowracay Sh/Dhexe

Balcad (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe, aabe ayaa wiilkiisa ku gawracay Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in aabahan dilka wiilkiisa uu u adeegsaday Toorey uu heystay.

Aabahan dilay wiilkiisa oo Sideed sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa koox diimeedka loo yaqaano Takfiir.

Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey Cabdulle Macaan Adeerow, ayaa sheegay in Wiilka yar ee la dilay uu hilibka ka soo cunay goob lagu xusayay Ayeeyadiis oo dhimatay, isla markaana meydkiisa laga helay Wabiga dhexdiisa.

Waxa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in Aabaha la dilay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen, sidoo kalena Dugsi Quraan iyo masjid ay ku sugnaayeen Jameecada Takfiir la burburiyey.

Dhacdooyinkan la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah ayaa ku soo batay Somaliya, iyada oo falal nuucaan oo kale ah ay horey u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com