Hay’ada socdaalka oo mar kale hakisay qabashada codisyada baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-gelin ku aadan in maalmo laha kinayo dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

Fariin kooban oo ay baahisay hey’addu waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la hakin doono qabashada codsiyada baasaboorka.

Laga bilaabo Jannaayo 27-keeda ilaa 2-da Febaraayo 2020 ayaa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Facebook-ga hey’adda in la haki doono qabashada codsiyada baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in sababta hakadka keentay ay tahay howlo farsamo oo ka socda habka bixinta baasaboorka, in kastoo aan si faahfaahsan loo sheegin howlahaas.

“Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.