Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada oo hakisay bixinta baasaboorka + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo goordhow ka soo baxay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey codsiyadii dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

Qoraalkan oo ah mid war-gelin ah ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya maalinka Sabtiga ah ee soo socota aan la qaba doonin codsi la xariira dalbasho baasaboor.

Go’aankaan ayaa loo sababeeyey ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus, lagumana shaacin goorta dib loo bilaabayo qabashada codsiyada dalbashada baasaboorka.

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cudurka Coronavirus oo hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey galaaftay nolosha dad badan oo qaarkood caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyey laga diiwaan geliyey kiisaska ugu badan ee cudurkaas, waxaana aad u hooseyda feejignaanta ay qabaan dadku, waxaana sidii caadiga aheyd u socota oo aysan waxaba iska bedelin habdhaqanka nolosha maalin laha ah ee bulshada, taas oo sida la aaminsan yahay fududeyneysa inuu aad u faafo cudurkan.