Xog: Waan-waan laga dhex waday musharaxiinta iyo Rooble oo guul dareysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay guul dareysteen dadaallo lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo ra’iisul wasaaraha xilka siiyaha Maxamed Xuseen Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka.

Dadaalladan oo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo ayaa waxaa garwadeen ka ahaa xubno ay ka mid yihiin madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) kuwaas oo kulamo ka bilaabay Muqdisho.

Labada dhinac ee xukuumadda & musharraxiinta ayaa la yimid shuruudo adag, kuwaas oo carqalad ku noqday dadaallada socday oo markii guul dareystay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online musharaxiinta mucaaradka ayaa dalbaday marka hore in xukuumadda ay raallo-gelin buuxda ka bixso wixii dhacay 19 Febraayo, taas oo uu ganafka ku dhuftay ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Maxamed Xuseen Roobe.

Sidoo kale xukuumadda ayaa dhankeeda dalbatay in la joojiyo dibad-baxyada ay baabulayaan mucaaradka, islamarkaana la dajiyo xaaladda, balse waxaa shuruudaasi iyana ka biyo diiday xubnaha midowga musharraxiinta ee mucaaradka ku ah dowladda.

Intaas kadib xukuumadda ayaa shalay ku dhowaaqay in Muqdisho aan lagu qaban karin dibad-bax, islamarkaana uu halkiisii yahay go’aankii lagu mamnuucay isku imaatinka.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo iska soo horjeeda.