Kulan ay yeesheen Indha-Cadde iyo Musharaxiinta oo la isku fahmi-waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa hotel Jaziira ku kulmay Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta. 

Janaraal Indhacade ayaa la sheegay in Hotelka uu ugu tagay xubno kamid ah Midowga isagoo ka raali geliyay hadal uu warbaahinta ka sheegay saacado ka hor markii la wareeray Madaxweynayaashii hore 19-kii bishan, weerarkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon. 

Janaraal Indhacade dadka uu la kulmay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo madaxweynayaashii hore isagoo mid mid uga raali geliyay hadalkiisa oo noqday qodob ay dowladda Soomaaliya u cuksatay weerarkaas. 

Inkastoo Janaraal Indhacade si gaar ah ula kulmay madaxdaan islamarkaana ka cudur daartay hadalkiisa ayaa hadane ilo wareedyo muhiim ah waxay noo sheegeen in uusan jirin kalsooni ka dhaxeyso Mucaaradka iyo Janaraal Indhacade. 

“Waxaa cad in ay bidixda isku salaameen ama ay kala faaruqeen, waayo waa lakala shakiyay haddii uu mar shaki yimaadana waa ebar,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in hadalkii Janaraal Indhacade uu muujiyay qalqal badan waxayna dusha u saarisay mucaaradka iyadoo uu wali shaki badan ku geedaaman yahay sababta hadalkaan ka keentay Indhacade oo islamarkiiba goobta ka tagay.